Mudug Soomaaliya, Agoosto 16, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo maalmahan socdaal shaqo ku jooga caasimadda Mudug ee Galkacyo ayaa maanta xarig jaray ceelbiyood uu ka hirgeliyay deegaanka Daaru Nimca (Qansaxdheere).
Deegaankan oo horay dad badan ugu geeriyoodeen harraad ayaa mudane Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu ka hirgeliyey ceelbiyoodkan ku shaqeeya Matoor iyo Solarba kadib baaqyo uga yimid dadka deegaanka iyo maamulka gobolka, waxaana fulisay hey’adda Zamzam.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda xarig jarka ayaa faray maamulka in aan wax khidmo ah laga qaadin dadka iyo xoolaha ceelka cabaya, isaga oo kula dardaarmay dadka deegaanka in ay ilaashadaan ceelka.