Mudug Soomaaliya, Agoosto 17, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kulan lagu xoojinayo Nabadda Gobolka Mudug, gaar ahaan Beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Leelkase u sameeyay guddiyada nabadaynta ee labada beelood .
Wasiir Fiqi oo sharaxay kulanka ayaa ku tilmaamay in ay ujeedadu tahay in lagu xoojiyo Nabadda beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Leelkase, iyo in lagu dhiirrigaliyo Guddiyada Nabadda iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya Nabadeynta.
Wasiirka ayaa dhankiisa Ballanqaaday in ay Dawladda Federaalka Soomaaliya garab istaagayso Dadaallada Nabadda ee Galbeedka Gobolka Mudug iyo guud ahaan dalka oo dhan. Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa dhankooda ka mahadceliyay Casuumaadda uu u sameeyay wasiirku, waxayna ka codsadeen in ay Dawladdu Gacan ka gaysato sidii loo dhamaystiti lahaa hishiiskii Taariikhiga ahaa ee ay labadan beelood galeen sanadkii (2020).
Sidoo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa xildhibaanno golaha shacabka barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kala ah C/salaan Axmed Liibaan Dhabancad iyo xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Cagaweyne iyo Maamulka Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo.
Ugu Dambayn, Wax garadka iyo guud ahaan mudanayaasha iyo marwooyinka ka qaybgalay kulanka Nabadaynta ah ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sida ay uga raalli yihiin tallaabada wanaagsan ee horay loo qaaday si loo xoojiyo walaalnimada iyo wada jirka.