Gaalkacyo Agoosto 15, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Goblka Mudug ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha bulshada.
Ugu horreyn, Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ee heerarka kala duwaan waxaa qado sharaf u sameeyey Maayarka Galkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, isaga oo sidoo kale odeyaasha deegaanka ka dhageystay xaaladda oo ay ka mid yihiin baahiyada jira iyo wax kaqabashada.
Dhanka kale, waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macalim Fiqi isla galabta la kulmay qeybaha bulshada rayidka oo ay ka mid ahaayeen odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyrada iyo ganacsatada, isaga oo kala hadlay sida loogu baahanyahay garab istaaggooda gulufka ka dhan ah haraadiga Khawaarijta ee ka socda guud ahaan Galmudug, iyaguna waxa ay ballanqaadeen in sidii horeyba u sameyn jireen ay naf iyo maalba ku bixin doonaan sifeynta Khawaarijta.
Dhanka Kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay Xarun looga dhisaayo Magaalada Gaalkacyo Jaamaacadda Modern.