Munaasabadda Xuska Sanad Guurada Dowlad Goboleedka Galmudug

 

 

Gaalkacyo Agoosto 14, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa caawa Galkacyo uga qeybgalay munaasabadda xuska 17 sano guurada aasaaska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

 

 

Munaasabadda Xuska Sanad Guurada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee laga soo doortay Gobolka Mudug, Duqa Magaalada Gaalkacyo iyo  mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

 

Sidoo kale Munaasabadda Xuska Sanad guurada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa kasoo qaygalay Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhalinyaradaa, Aqoonyahanka iyo Dadweyne ku labisan calanka Galmudug ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa xafladda iyada oo goobta looga hadlay Sooyaalka Galmudug, halka la joogo iyo hiigsiga.