Wafdi Uu Hoggaaminaayo Wasiir Fiqi Oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo Agoosto 13, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi xildhibaanno Federaalka ah ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug.

 

Soo dhoweyn diirran oo loo sameeyey kadib, waxaa Wasiir Fiqi iyo mas’uuliyiinta kale ee la socdayba la dejiyay guriga martida halkaasi oo maamulka degmada iyo midka gobolka ay ku wada hadleen.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda socdaalka in ay tahay sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah haraadiga Khawaarijta ee wali ku harsan qeybo ka mid ah Galmudug.