Wafdi Uu Hoggaaminaayo Wasiir Fiqi Oo Gaaray Gelinsoor

 

Gelinsoor Agoosto 13, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa gaaray degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

 

Soo dhoweyn diirran iyo qado sharaf halkaasi loogu sameeyey wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay kadib, maamulka degmada ayaa uga warbxiyay xaaladda iyaga carabka ku dhuftay sida ay qeybta uga yihiin gulufka Galmudug looga ciribtirayo Khawaarijta.

 

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi ayaa ku booriyay dadka deegaanka dardargelinta howlaha nabadda iyo Dib u heshiisiinta isaga oo adkeeyay sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay mar weliba uga go’antahay nabadeynta bulshada deegaankaas iyo guud ahaan dalka.