Madaxwayne Xasan Sheikh Oo Kulan La Xiriira Xoraynta La Qaatay Beelaha Deggan Galmudug

 

Muqdisho Agoosto 13, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud  oo maalmahan Galmudug ujooga ciribtirka Khawaarijta ayaa kulan la qaatay beelaha deegaanka iyada oo laga hadlay taageerada dhinac walba ah oo la siinayo gulufka lagu soo afjarayo cadowga Khawaarijta.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo Dhuusamareeb u jooga ololaha ciribtirka Khawaarijta ayaa qeyb ka ahaa shirkan ay beelaha ugu midoobayeen soo afjarista haraadiga Khawaarijta oo weli ku dhuumaalaysana qeybo ka mid ah Koonfurta Galmudug.

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah arrimaha la xiriira howlgalka aan Militariga ahayn (non-military operations), ee loo garan ogyahay Xasilinta oo Degmooyinka iyo Deegaannada la xoreeyay lagu gaarsiinaayo adeegga Dowladnimo ee dalka.