Muqdisho Agoosto 10, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa qaabilay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaamniyay Wakiilka Xogahaya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM Marwo Catriona Laing.
Kulankaan uu sidoo kale qayb ka ahaa Isu Duwa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Goobaha Dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Mudane Iftikhar Ahmad Shaheen ayaa looga hadlay kor u qaadista dedaallada lagu taageeraayo arrimaha Xasilinta ee laga samaynaayo goobaha lagu xoraynaayo Wajiga 2-aad ee la dagaallanka Khawaarijta.
Wakiilka Xogahaya Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM Marwo Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi soo dhawaynta diirran ee uu sameeyay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa kala hadlay Wafdiga Qaramada Midoobay qorshaha dowladda ee arrimaha ku aaddan wajiga 2-aad ee dib u xoraynta dalka, arrimaha Xasilinta iyo doorashooyinka qof iyo cod oo ay ansixiyeen Golaha Wadatashiga Qaran.
Ugu Dmbayn, Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha kala duwan Qaramada Midoobay Soomaalye kaalmada iyo garab istaagga ay sida Joogtada uga sameeyaan Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacayada arrimaha Geeddi Socodka Dowladnimada Dalkeenna iyo arrimaha gargaarka.