Muqdisho Agoosto 10, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Ka Qeybgalay Munaasabadda Xuska 6-aad ee Maalinta Diiwaangelinta Madaniga iyo Istaatiskida Muhiimka frika ee 10-ka Agoosto.
Munaasabadda oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo Qeybgalay Mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha iyo Hay’adaha DFS oo ay shaqoodu la xiriirto arrimaha Diiwaangalinta Madaniga, iyadoona lagu bidhaamiyay Suurtagalnimada Kordhinta Baahsanaanta Adeegyada Dad-dhigista, Kor u qaadista Tayada iyo Waqtiga Gudbinta Xogta iyada oo loo maraayo Casriyaynta Nidaamka Dad-dhista, Xoojinta iyo Ilaalinta Xogta muwaadiniinta, horumarinta tayada iyo bixinta agabyada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay Diiwaangalinta Madaniga, sidoo kale wasiirka wuxuu hoosta ka xarriiqay dedaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku aaddan arrintaan.
Ugu dambayn Masuuliyiinta kasoo qaybgalay Munaasabadda Xuska 6-aad ee Maalinta Diiwaangelinta Madaniga iyo Istaatiskida Muhiimka frika ee 10-ka Agoosto ayaa uga Mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS arrimahaan sida ay u dardargalinayso arrimaha Diiwaangelinta Madaniga iyo Istaatiskida Muhiimka frika ee Soomaaliya.