Muqdisho Agoosto 06, 2023; Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-eshiisiinta mudane Sadaad Maxamednuur Caliyow ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku Meelgaarka Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Socdaalka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Saadaad Caliyow ayaa la xiriirta ka qaybgalka Munaasabadda Caleema saarka Guddoonka Golaha Deegaanka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda oo si weyn loo agaasimay waxaa kale oo qeyb ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed, Xildhibaano heer Federaal, labada Gole ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Horurinta Dowladaha Hoose, Maamulka Gobolka Bay, Guddoonka Golaha Deegaanka Degmada Buur Hakaba iyo dhammaan Xubnaha Golaha Deegaanka, Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Degmada Buurhakaba iyo mas’uuliyiin ka socda Hay’adda FCA oo taageereysay dhismaha Golaha Deegaanka Degamada dhinaca maaliyada.