- July 31, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo 31, 2023; Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Yaxye Cumar Xirsi ayaa Daahfuray Aqoon Isweedaarsi la xiriira Dowladaha Hoose iyo Maamul Wanaagga.
Tababarkaan ayaa loo qabtay shaqaalaha iyo Howladeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Dowladaha Hoose iyo Muumul Wanaagga, si sare loogu qaado tayadooda iyo wax soo saarkooda ku aaddan arrimahaasi.
Sidoo kale, aqoon isweedaarsigaan ayaa qayb ka ah aragtida Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ee ku aaddan sare u qaadista tayada shaqaalaha iyo howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Shaqaalaha iyo Howlwadeennada ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee kasoo qaybgalay aqoon isweedaarsiga la xiriira Arrimaha Dowladaha Hoose iyo Maamul Wanaagga ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan tababarka, waxayna tibaaxeen in uu muhiim u yahay tababarrada nuucaan oo kale.
Ugu Dambayn, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Yaxye Cumar Xirsi ayaa kula dardaarmay howl-wadeennada iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS in ay ku dabaqaan shaqada aqoonta iyo waaya aragnimada ay ka korarsadaan Tababarka Dowladaha Hoose iyo Maamul Wanaagga.