Muqdisho Luulyo 30, 2023; Wafdi Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda UNHCR ayaa Booqasho loogu kuurgalayay Xaaladda Barakacayaasha Soomaaliyeed ku tagay Xerada Barakaca ee Saydka.
Wafdiga uu hoggaanniyay Agaasimaha Guu Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macaliim Xasan ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Soomaaliya Marwo Safiya Xasan Maxamed iyo Ergyaga Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ee Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afeey.
Ugu Dambayn, Wafdiga ayaa arkay xaaladda dhabta ah oo ay ku noolyihiin barajacayaasha Soomaaliyeed, iyadoo la joogo xilli roobaadka isla markaan aanay barakacayaasha haysan hooy u adkaysan kara dhibicda roobka.