Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka

Muqdisho Luulyo 26, 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xassan oo uu wehliyo Agaasimaha Xalalka waara Mudane Mukhtaar Sugaal ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed oo ka mid ah Hay’adaha hoostaga Wasaaradda.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed Marwo Safiyo Xasan ayaa warbixin ka siisay Agaasimaha Guud howlaha ay qabato Hay’adda, waxyaabaha u qabsoomay mudada kooan oo ay joogto Hay’adda iyo qorshayaasha lagu horumarinaayo Hay’adda.

 

 

Agaasimaha Waaxda Xalalka Waara ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Mukhtaar Sugaal ayaa isaguna ka warbixiyay qorshaha Wasaaradda ee dhanka arrimaha xalalka waara, arrimaha qaxootiga, arrimaha barakacayaasha iyo qaabka layskugu xiri karo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda oo ay shaqadoodu si un ula xiriirto arrimahaasi.

 

 

Ugu Dambayn, Agaasime Cayduruus ayaa bogaadiyay howlaha ay waddo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha u hayso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kala dardaarmay in la dardargaliyo shaqada qaran oo ay hay’addu hayso.