- July 24, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Galmudug, Kulamada, Wararka
Dhuusamareeb Luulyo 24, 2023; Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka qaybgalay Xarig jarista Wadada Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Madaxwaynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoorqoor) oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleed Galmudug ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Mashruuca lagu dhisay wadada oo ay hirgalisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gacan ka gaystay Midowga Yurub. Iyadoo qayb ka tahay dedaallada Arrimaha Xasilinta iyo Soo Kabashada oo ay Garwadeenka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Madasha Xarig jarka wadada aadda Garoonka Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Wasaaradda Howlaha Guud DFS, Wasaaradda Arrimaha Gudaha DG Galmudug, Wasaaradda Qorshaynta Galmudug, Maamulka Gobolka Galguduud, Maamulka Dowladda Hoose Dhuusamareeb iyo Shacabka Dhuusamareeb.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Dhiblaawe Casir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha Midowga Yurub Dhismaha wadada aadda Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Ugu Dambayn, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Deeq bixiyayaasha Midowga Yurub si ay uga caawiyeen shacabka iyo Dowlad Goboleed Galmudug adkaynta Dowladnimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.