- July 24, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Galmudug, Kulamada, Wararka
Dhuusamareeb Luulyo 24, 2023; Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu qabatay kulan looga hadlayay Ahmiyadda Barnaamijka Prosperis oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Hay’adda NIS Foundation.
Kulanka oo ay joogeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac Wayeel iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Cumar Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha Guud Mudane Cumar Cabdi Maxamed ayaa lagu faahfaahiyay mashruuca Prosperis oo wax ka qaban doona Arrimaha Adkaynta Dowladnimada, arrimaha bulshada oo ay ku jiraan awoodsiinta dhalinyarada, haweenka iyo u abuurista shaqo, sida dhismaha suuqyo, maaligalinta ganacsiyada yar yar (Microfinance). Arrimaha deegaanka oo iyadana laga samayn doono in dadku ay helaan biyo, arrimaha waraabka, samaynta biyo xiroono,dayactirka leerarka cadceedda ku shaqeeya ee Isbitaallada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo jeedisay warxbixin buuxda oo la xiriirta waxyaabaha u qabsoomay oo ay guulaha la taaban karo ka gaartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DG Galmudug iyo baahiyaha ka jira Wasaaradda oo ay tahay in laga taageero.
Ramadaan Elmi oo ah isu duwaha Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa sharraxaad ka bixyay meelaha uu diiradda saarayo Mashruuca Prosperis, wax ku oolnimadiisa iyo sida uu uga qaybqaadanaayo soo kabashada.
Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) ayaa bogaadiyay Mashruuca Prosperis, isagoo carrabka ku adkeeyay sida Ummadda Soomaaliyeed ahmiyad ugu leeyahay.