- July 24, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Galmudug, Kulamada, Wararka
Dhuusamareeb Luulyo 24, 2023; Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Xarig ka jarista Suuqa Dhuusamareeb.
Madaxwaynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoorqoor) oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleed Galmudug ayaa xarigga ka jaray Suuqa Casri oo ah laga dhisay Magaalada Dhuusamareeb.
Suuqaan loo dhisay Dhuusamareeb oo ka kooban 62 Mehradood ayaa Mashruuca lagu dhisay waxaa hirgaliayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Galmudug iaydoo ay gacan ka gaystay Midowga Yurub. Iyadoo qayb ka tahay dedaallada Arrimaha Xasilinta iyo Soo Kabashada oo ay Garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Madasha Xarig jarka Suuqa Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Wasaaradda Howlaha Guud DFS, Wasaaradda Arrimaha Gudaha DG Galmudug, Wasaaradda Qorshaynta Galmudug, Maamulka Gobolka Galguduud, Maamulka Dowladda Hoose Dhuusamareeb iyo Shacabka Dhuusamareeb.
Duqa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleed Galmudug Mudane Cabdiraxman Cali Maxamed oo ka hadlay Munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhismaha Suuqa Magaalada Dhuusamreeb.
Ugu Dambayn, Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Deeq bixiyayaasha Midowga Yurub si ay uga caawiyeen shacabka iyo Dowlad Goboleed Galmudug adkaynta Dowladnimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.