- July 18, 2023
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Luulyo 18, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay kulanka Wacyigelinta iyo Latashiga Dadwaynaha oo lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeeen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sh. Ali Doodisho, Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Ku xigeennadiisa, Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firrin, Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah saraakisha laamaga Aminga ayaa xoogga lagu saaray kala warqaadashada madaxda iyo bulshada.
Kulanka Wacyigalinta ayaa lagu gorfeeyay ahmiyadda wadashaqaynta shacabka iyo dowladda iyo in loo midoobo ciribtirka kooxaha khawaarjita ee gabalkoodu dhacay iyada oo loo mahadceliyay maamulka degmada iyo guddoomiyihii hore Degmada Wadajir, Mudane Axmed Caddoow Daaci oo isugu Hormuud ka ahaa in degmadaasi laga saaro Khawaarijta.
Khudbad gaaban oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ka jeediyay goobta waxaa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay amniga maanta la heysto isaga oo yiri “Farriinta la gudbinayo waxaa ay tahay waa la dadaalay haddii la dadaalo sidan waa laga sii fiicnaan karaa, hadda degmada ayaa qurxoon, waddooyinkii, suuqyadii, amni ayaa joognaa, dadaalkaasi waa isbadal uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqistiisa uu ku dhawaaqay barnaamijka Khawaarij in lala diriro sanad kahor, maanta lagu haayo Ceelbuur duleedkeeda, barnaamijkaas waxaa uu keenay, wiilashada iyo gabdhaheena dhiigooda waxaa uu keenay in maanta aad damaashaadno, oo nabad aan halkan ku fadhinno”.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi ayaa tibaaxay in cadowga Shabaab uu meel kale ka yimid, oo shaki ka geliyay dadka iyo dwoladda, dadka iyo diinta, isaga oo bulshada kula dardaarmay in la iska qabto, oo la ciribtiro.