Wasiir Fiqi Oo Ka Qaybgalay Casho Sharaf Lagu Maamuusay Naadiga Dowladda Hoose Ee Xamar

 Muqdisho Luulyo 18, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Munaasabad casho sharaf ah oo lagu Maamuusay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar (MCC) oo dhawaan ku guulaysatay Koobka Todobaadka Xorriyadda .

 

 

Munaasabadda casho sharafta ah oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale & ku xigeennadiisa, Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firrin,  Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Cabdi Maxamed Shiine iyo dhammaan bahda Cayaaraha dalka.

 

 

Wasiirrada iyo Masuuliyiinta heerarka kala duwan ee kasoo qaybgalay ayaa bogaadiyay Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar guusha ay ka gaareen koobka Todobaadka Xorriyadda, sidoo kale waxay mahadcelin u jeediyeen Maamulka Gobolka Banaadir oo soo qabanqaabiyay Casho sharafta lagu maamuusay Naadiga MCC.

 

 

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi ayaa bogaadiyaY Maamulka iyo Cayaaryahannada Naadiga Dowladda Hoose ee Xamar MCC guusha ay ka gaareen Koobka Todobaadka Xorriyadda oo ay ku guulaysteen, isagoo sheegay in cayaaraha uu qayb wayn ku leeyahay horumarka iyo isdhaxgalka Bulshada.