Wasiir Fiqi Iyo Guddiga Xuska Maalmaha Xorriyadda Oo Looga Mahadceliyay Isku Dubbaridka Xuska 26 Juun iyo 1-da Luulyo

 

 

Muqdisho Luulyo 10, 2023;Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku qabsoomtay degmada Yaaqshiid oo loogu mahadcelinayay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Guddigii loo xilsaaray abaabulka iyo qabsoomidda toddobaadka Xorriyadda dalkeenna uu Hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi sidii wanaagsaneyd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda oo dalka oo dhan si mug leh uga qabsoomay, iyada oo xubnaha guddiga la guddoonsiiyey shahaado sharafeed.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku hadlay afka Gudiiga ayaa u mahadecliyay Xubnaha Saree e Guddiga, Maamulka Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku xusay Maalmaha Xorriyadda. Wasiir Fiqi ayaa madasha ka sheegay in haddii ay Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ay u wada shaqeeyaan sida ay u wada shaqeeyaan maalmihii xuska xorriyadda in amniga Muqdisho uu heer wanaagsan gaari doono.

 

 

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa tibaaxay in Guddiga shaqada u qabtay aysan ku koobnayn kaliya Muqdisho ee meelo ka baxsan laga qabtay xuska maalmaha xorrriyadda isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yiri “Guddigeena kaliya Muqdisho kuma ekeen shaqadiisa,Gobolada dalka iyo dibadiisa ayaan ka shaqeynay.”

 

 

Ugu Dambayn, Kulanka oo ka dhacay oo ka dhacay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Saraakiisha laamaha amniga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacab soomaalyeed oo jeclaystay in ay u mahadceliyaan Xubnaha Guddiga.