Muqdisho Luulyo 09, 2023;Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa soo xiray Kulan Wadareedka Farsamo ee Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka.
Kulankan Wadareedka Farsamo ee Dhaqangalinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hay’adaha Dowladda ee kala ah Xafiiska Madaxwaynaha JFS, Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha.
Inta uu socday Kualnaka Wadareedka Farsamo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa soo bandhigtay qorshaha Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Dalka.
Sidoo kale, Hay’adaha kala duwan ee Dowladda ee qaybta ka ah Kulan Wadareedka Farsamo ee Dhaqangalinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka ayaa soo bandhigay arrimaha ay ka qabteen dhaqangalinta doorashooyinka, caqabadaha iyo xalkooda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa bogaadiyay Xubnaha ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqooyinka hortabinta leh oo ay ka qabteen arrimaha la xiriira Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka.