- July 6, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Kulamada, Wararka
Luulyo 06, 203; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa soo xiray Aqoon Isweedaarsi saddex maalin socday oo la xiriiray Wada Xaajoodka iyo Dhexdhexaadinta ay tahay in sameeyaan Soomaalida si loo gaaaro Dib-u-heshiin guulaysta oo dalka hana qaadda.
Aqoon isweedaarsigaan oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabad Dhiska.
Wakiillada ka socday Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Madasha ayaa Aqoon Isweedaarsiga ku tilmaamay mid muhiim ah oo xilli loo baahanyahay kusoo aaday. Waxay kaloo sheegeen in dib ugula noqonayaan deegaannadooda waayo aragnimada iyo xirfadda ay ka bartaan Aqoon Isweedaarsigaan.
Maalmaha uu socday Aqoon isweedaarsiga ayaa laga soo jeediyay Warbixinno, Talooyon iyo macluumaad la xiriira Wada Xaajoodka iyo Dhexdhexaadinta, ka gadaal markii loo diray ka qaybgalayaasha Madasha mowduucyo iyagoo loo kala saaray Koox Howleedyo arrimahaas dhamaystira.
Ugu Dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin ayaa bogaadiyay Xubnaha soo agaasimay Shirka eek a tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Agaasme Caydruruus ayaa mahadcelin u jeediyay wakiillada ka socday Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee kasoo qaybgalay Aqoon Isweedaarsiga Wadaxaajoodka iyo Dhexdhexaadinta