Wasiir Fiqi Oo Xilalka U Kala Wareejiyay Hoggaanka Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha

 

 

Muqdisho Luulyo 03, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xilalka u kala wareejiyay Hoggaanka Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.

 

 

Mudane C/laahi Biixi Xuseen ayaa si rasmi ah xilka Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha ugu wareejiyay Mudane Abdiwali Cabdulle Timacadde oo ay dhawaan Golaha Wasiirrada usoo magacaabeen in uu noqdo Maareeyaha Hay’adda.

 

 

Mudane Biixi ayaa sharraxay waxyaabaha u qabsoomay Hay’adda Muddadii uu haayay xilka ku simaha Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha oo ay ka mid tahay dajinta siyaasado iyo xeerar rasmi ah oo ay leedahay Hay’adda kuwaas oo ka tarjumaya shaqada Hay’adda iyo Xarunta Hay’adda.

 

 

Maareeyaha Cusub ee Hay’adda Mudane Abdiwali Timacadde ayaa u mahadceliyay ku simaha Maareeyaha shaqada wanaagsanay uu kasoo qabtay Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha, Mudane Timacadde ayaa ballanqaaday in uu kordhin doono Tayaynta Hay’adda.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Munaasabadda ayaa bogaadiyay Hoggaanki hore ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha shaqada wanaagsan oo ay qabteen, isagoo sheegay in Hay’adda shaqo galisay howlwadeennada ugu wanaagsan ee dhanka Tiknoolajiyadda iyo Yagleelidda Xarunta dhexe ee Hay’adda, sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa kula dardaarmay Maareeyaha Cusub in uu dardargaliyo Shaqada Muhiimka ah oo ay Hay’addu hayso iyo in ay wadashaqeeyaan Maareeyaha iyo Ku Xigeenkiisa.