Wasiir Fiqi Oo Xilalka U Kala Wareejiyay Hoggaanka Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka

 

 

Muqdisho Luulyo 01,2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xilalka u kala wareejiyay Hoggaanka Saree e Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo ka mid ah Hay’adaha Sharciga ku dhisan ee hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

Dr. Aamina Siciid ayaa Xilka Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ku wareejisay Marwo Safiyo Xassan Maxamed oo dhawaan ay Golaha Wasiirrada usoo magacaabeen in ay noqoto Guddoomiyaha Hay’adda, waxaana u kala wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi.

 

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ku ammaanay Hoggaanki hore ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka shaqooyinka wanaagsanaa oo ay soo qabteen, si taas la mid Wasiir Fiqi ayaa kula dardaarmay Hoggaanka Cusub dardargalinta shaqada muhiimka oo ay Ha’addu u hayso Ummadda Soomaaliyeed iyo Qaxootiga Adduunka uga imaanaya Soomaaliya.