Wasiir Fiqi iyo Gudddiga Uu Hoggaamiyo Oo Kormeeray Tuulada Cayaaraha Soomaaliya Ee Stadium Muqdisho

 

 

Muqdisho Juun 29, 2023;Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kormeer ku sameeyay Garooonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

 

 

Xubnaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midninada 26-ka June iyo 1-da Luulyo  ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa sidoo kale  kulan ku yeeshay Stadium Muqdisho kaasoo looga arrinsanayo habsami u socodka howlaha dabaaldegga 1-da Luulyo.

 

 

Kulankan oo ay sidoo kale kasoo qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow iyo Booliiska Sareeye Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa waxaa goobjoog iyagana ka ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana lagu gorfeeyay qaabka ugu haboon oo ay u dhici karto xuska 1-da Luulyo oo ah maalin astaan u ah xornimmada Koonfurta Soomaaliya, midnimada labada gobol iyo dhismaha jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto sugigga amniga, fududeynta isu socodka dadka iyo arrimo kale.

 

 

Guddiga Qabanqaabada uu 6-dii bishan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ah kala yihiin:

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, Guddoomiye.

 

Xubnaha kale:

 

  1. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

  1. Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, Wasiirka Amniga gudaha.

 

  1. Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Maaliyadda.

 

  1. Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaraaraha.

 

  1. Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Xuuquuqal Insaanka.

 

  1. Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

  1. Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

 

  1. Yuusuf Xuseeen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho