- June 28, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Juun 27, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midnimada 26-ka June iyo 1-da Luulyo ayaa caawa shir guddoomiyay kulan kale oo xubnaha isugu yimaadeen.
Guddigan oo loo xilsaaray xuska 63 guurada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa xubnihiisa oo ka kooban wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah sida Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Aminga, Maaliyadda, Dhalinyarada, Haweenka, Shaqada, Xannnaada Xoolaha iyo guddoomiyaha gobolka aha duqa magaalada ay ka shireen sida ugu habboon ee ay u qabsoomi karto munaasabadda 1-da July oo ah maalinta xornimada gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo midnimada labada gobol ee waqooyi iyo koonfur iyo dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Fadhiga waxaa kale caawa goobjoog ka ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo qeyb weyn ka qaadan doona abaabulka iyo hey’adaha kala duwan ee amniga oo iyagu goobta ka sheegay sida ay maalintaas uga taxadareen amniga Caasimadda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.