Wasiir Fiqi Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha ah Ee Wasaaradda

 

Muqdisho Juun 25, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Shir Guddoomooiyay kulanka billaha ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-raliyayaasha Wasaaradda.

 

 

Wasiir Fiqi ayaa warbixin ka dhagaysaty dhammaan howlwadeennada Agaasimayaasha iyo la talyayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS taas oo la xiriirto arrimaha u qabsoomay waaxyaha iyo mashaariicda ay waddo Wasaaradda bishii Juun 2023.

 

 

Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa kulanka kasoo jeediyay guulaha laga gaaray shaqooyinka Wasaaradda iyo shaqooyinka socda hadda, sidoo kale la taliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa iyaguna soo jeediyay warbxinno ku aaddan shaqooyinka ay qabteen.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Agaasimayaaasha iyo la taliyaasha Wasaaradda shaqada ay qabteen, sidoo kale Wasiirka ayaa faray dhammaan Madxda iyo Howladeennada Wasaaradda in la dardargaliyo shaqooyinka ay Wsasaaradda u hayso Ummadda Soomaaliyeed.