Munaasabadda 26 Juun Oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka

 

Muqdishi Juun 26,2023; Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Soomaaliya waxaa lagu qabtay Munaasabadda 26 Juun, sanadguuradii 63-aad ee kasoo wareegatay Marka ay Soomaaliya qaadatay Xorriyadda, gaar ahaan Gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa wax kasoo qaybgalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Raysal wasaare ku xigeenka dalka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraday ahmiyadda maalmaha xorriyada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale Madaxwaynaha wuxuu ku baaqay in laga fakiro mustaqablka Soomaaliya isagoo arrintaasi ka hadlaya ayuu yiri “ waa in ka fikirnaa sida ay Soomaalliya noqon doonta marka aan 2060 u dabbaal dagayno maalmaha xorriyadda”

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiekh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dheeraaday ka hadalka iyo ahmiyadda maalmaha xorriyadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Shiekh Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa in la helo caddaalad Buuxda”.

 

 

Gddoomiyaha Aqalka Saree ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi oo ka hadlay munaasabadda ayaa si taariikhi ah uga hadlay halganki dalka looga saaray Gumaysataha dalkeenna qabsaday mar, sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa yiri “ Soomaali isma diidana waxay u baahan tahay in ay wada hadasho runna kuwada hadasho”

 

 

Ku simaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac oo ka hadlay munaasabadda 26 Juun ayaa ku dheeraaday agmiyadda xorriyadda iyo midnimada Soomaliya, wuxu sheegay mudanaha in ay muhiim tahay Soomaaliya laysku raadiyo isagoo Madaxwaynah ugu baaqay arrintaas ayuu yiri “ Madaxweyne waa xiligii wada hadal dhab ah ee reer Waqooyi lala gali lahaa”

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo 63-guurada kasoo wareegatay ayaa Madasha kusoo dhawweyay Madaxda iyo Shacabka kasoo qaybgalay Munaasabadda, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in sanadkaan loo xusi dooona Maalmaha si ka heer sarreysa sanadihii lasoo dhaafay.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Shiekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay Munaasabadda ayaa u mahadceliyay Xubnaha Guddiga oo uu isagaba ku jira kuwaas oo si heer sare usoo qabanqaabiyay Xuska Munaasabadda Maalmaha Xorriyadda, gaar ahaan Munaasabadda 26 Juun.

 

 

Ugu Dambayn, waxaa salaan la siiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shieh Maxamuud, iyadoo marka ay saacaddu soo gaartay 12:00 la saaray Calanka Soomaaliya, iyadoo markaasi ay toos u bilowdeen rididda bulalayr oo cirka caasimadda oo dhan ifiyay, waxaana isku soo baxay dhammaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed.