- June 24, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Juun 24, 2023 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la qaatay mudane Timothy Trenkle oo ah qunsulka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha ay Dowladda Marakaynka ka taageerto Soomaaliy, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalkaa iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, waxaana ka mid ahaa xiriirka labada dhinac, howlaha Xasillinta, dadaallada Dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.
Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya muddo badan la leh iskaashi saaxtinimo oo kasoo bilowday xilli fog, sidoo kale Dowladda Maraynka ayaa ka mid ah Dowladaha ugu waawayn ee Soomaaliya ka taageera geeddiga Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Arrimaha Amniga Dalka