- June 22, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
Muqdisho Juun 21, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka jeediyay Mowqifka Xukuumadda ee Hirgalinta Doorashooyina iyo Hannaanka Xisbiyada badan munaasabad ay soo qabanqaabiyeen xisbiga UPD oo looga doodayay hirgelinta hannaanka xisbiyada siyaasadda ee dalka, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Khudbad faahfaahsan oo uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Fiqi kajeediyay Madasha waxaa uu sheegay in dooddani ay tahay mid ka socota dalka oo dhan, isaga oo intaa raaciyay in xukuumadda Dan Qaran ay “Maya” ugu jawaabeyso in doorashadii dadbanayd ee Musuqa badnayd ay tahay mid dalka lagu hayn karo. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxaaa uu yiri “55 sano kadib, Soomaaliya diyaar ma u tahay in ay ka gudubto nidaamkii keligii taliska iyo fowdada, su’aashaas iyada oo laga jawaabayo waa Haa, waayo 30,000 in 20 milyan ay wax u doorato lama sii wadi karo” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa’’.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka sii hadlaya jawaabaha xukuumadda waxaa uu sheegay in Xasillooni darrada in laga gudbaa ay doorasho sabab u noqon karto isaga oo sidoo kale soo qaatay in rabitaanka heerarka dowladda, xaaladaha kala duwanba iyo waqtiga la heyso ay saamaxayaan doorasho oo ah “Haa” tahay.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu sheegay in heshiiska doorashada uu muhiim u yahay xisbiyada, oo dhammaan wixii la dooranayo lagu salaynayo xisbiyo iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay hortabin u leedahay in dalka ka qabsoongo doorasho qof iyo cod ah.