- June 21, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Jubbaland, Kulamada, Wararka
Kismaayo Juun20, 2023; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland ku qabatay Kulan Wada Hadal Bulsho oo qayb ka ah Barnaamijhka Xasilinta oo ay waddo Wasaaradd.
Kulanka ayaa u jeedkiisu yahay in Bulshada Soomaaliyeed laga dhagaysto taladoodka ku aaddan dedaallada Nabad dhiska iyo Geeddiga Dowlad dhiska oo ay hoggaamiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Barnaamijka ayaa waxaa kasoo qaybgalay hormuudka Shacabka Jubbaland oo ay ka mid yihiin Haweenka, Dhalinyarada, Culimada, Odayaasha Dhaqanka, aqoonyahanka iyo bulshada baayihaga gaarka qaba. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Madasha ka dhiibtay aragtidoodu ku aaddan Nabad dhiska iyo Geeddiga Dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka warceliya Waydiimo ay si toos u ah waydiyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jubbaland oo la xiriira Mowduuca laga hadalaayo.