Wasiir Fiqi Oo Dhagax Dhigay Dhisamaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland

 

 

Kismaayo Juun 20, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayd Aadan ayaa dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

 

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Munaasabadda dhagax dhigga ayaa sheegay in dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay muhiim u tahay Dowladnimada, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uu qayb ka yahay Mashruuca cusub ee PROSPERIS.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaah Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Mohamed Ibraahim Oogle oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mdane Axmed Macallin Fiqi.