- June 19, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Jubbaland, Kulamada, Wararka
Kismaayo Juun19, 2023; Waxaa si rasmi ah Magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uga furmay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa rasmi ah u furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran oo Kismaayo ka socon doono muddo labo cisho ah. Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo Xasilinta iyo Xoraynta, wuxuu sheegay Madaxwaynaha in marka la xoreeyo deegaannada si looga sameeya Xasilinta, sidoo kale wuxuu tibaaxay in diiradda la saaro wada shaqaynta shacabka iyo Ciidamada. Mudane Axmed Madoobe wuxuu hoosta ka xarriiqay in deegaannada la xoreynaayo in laga dhiso Hay’adaha Dowladda ee bixnaayo Adeegga Dowladnimo sida Waxbrashada iyo Caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu horrayn kusoo dhaweeyay Madasha Shirka Martida ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha Dowladda Federaalka oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dedaallada Xasilinta. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay ahmiyadda ay leedahay Wadashaqaynta Hay’adaha Dowladda heerarkeeda kala duwan oo ay shaqadoodu la xiriirto dedaallada Xasilinta, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “ Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “farkaliya fool ma dhaqdo” Hawlaha xasilinta in laga guul gaaro waxaa saldhig u ah wadashaqeyn joogta ah oo u dhexaysa ha’ayadaha dowladda heerar kooda kala geddissan iyo waliba daneeyayaasha caalamiga ah ee aan bah-wadaagta nahay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ma qaban karto shaqo kasta sida amniga amaba shaqada caafimaadka, sidaa darteed bay Dowladdu waxay samaysay gudiga isku dhafka ah ee Dedaallada Xasilinta oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradaha, Amniga, Cadaalada, Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Ha’yada SODMA”
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale tibaaxay in Shirka isku dubbaridka Xasilinta Qaran uu ahmiyad u leeyahay Dedaallada Dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “shirkan waxa uu muhiim u yahay geeddi-socodka nabadda iyo dowlad dhiska soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ku saabsan xasilinta iyo dib u xoreynta kuwaas oo kamid ah hawlaha hortabinta u ah Xukuumada Dan Qaran, si nabad iyo dowladnimo loogu soo dabbaalo deegaannada ay Dowladdu dib ula wareegayso iyada oo la gaarsiinayo adeegyada dowladda oo ay dadku sida aadka ah ugu hamuun qabaan.”
Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran ee ka furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kasoo qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dalka, Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.