Wasiir Fiqi Oo Furay Tababarka Dad Dhigista Degmooyinka Dalka

 

 

Muqdisho Juun 17, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arriamaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallin Fiqi  daahfuray tababarka Tababarka iyo Wadatashiga ee Hanaanka Diiwaan gelinta Dad dhigista Degmooyinka dalka. Hay’adaha kasoo qaybgalay  waxaa ka mid aha agaasimeyaasha dad dhigista ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Maamulka gobolka Banaadir.

 

 

Sidoo kale, Waxaa qeyb ka ahaa ilaa 11 degmo oo hadda bixiya adeegga dad-dhigista kuwaas oo kala ah Galkacyo, Cadaado, Caabdudwaaq, Dhuusamareeb, Baladweyne, Jowhar, Warsheekh, Afgooye, Diinsoor, Baraawe, Waajid, Baydhabo, Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Garbahaarey. Wasiir Fiqi oo ka hadlay goobta ayaa yiri  “ Tababbarkaani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaraddu hoggaaminayso isla markaana muhiimad gaar ah ay ku siinayso in la casriyeeyo lana tayeeyo adeegga dad-dhigista, bixintiisuna noqdo mid isku xiran, maaddaama uu gundhig u yahay dhammaan adeegyada kale ee heer kala duwan ee dowladda”.

 

 

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, wasiirka Arrimaha gudaha oo sii hadlayey waxaa uu yiri “Arrimaha qabsoomay waxaa ka mid ah in diyaarintii sharciga lagu dhaqayo howlaha dad-dhigista uu marayo meel gabagabo ah, mardhowna la horgaynayo Golaha Wasiiradda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo. Intaa waxaa dheer in Wasaaraddu ay diyaarisay habraacyo howl fulineed oo lagu salaynayo bixinta adeegyada dad-dhigista si adeegyadu u noqdaan kuwo tayaysan, sugan, si fudud loo heli karo oo la isku hallayn karo Sidaa daraaddeed, maanta waxaan u wada joognaa inaan isu soo bandhigno hannaanka shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista”

Ujeedka tababbarkaani ayaa ah inaan isku aqoon waydaarsano arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

 

  1. Habraacyada shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista oo ay Wasaaradda iyo dad khubara ahi ay wada diyaariyeen, idinkuna aad ku darsataan aragtiyidiina si ay habraacyadaasi u noqdaan kuwo la isla oggol yahay;

 

2. Inaan isla oggolaanno qorshaha istaraatijiyeed ee dad-dhigista iyo tirakoobka muhiimka ah ee billaabanaya 2023 soconayana illaa 2028; iyo

 

3. In la isla meeldhigo hannaanka ay Wasaaraddu u xaqiijinayso shahaadooyinka dad-dhigista oo ay bixiyaan xafiisyada dad-dhigista ee dowladaha hoose ee dalka.

 

 

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa sanadihii u dambaysay waday dedaallo la xiriira taabba galinta arrimaha diiwaangalinta Madaniga, iyadoo Wasaaradda ka shaqaysay meelmarinta siyaasado iyo xeerar la xiriira arrimahaasi.