Waydiimaha Golaha iyo Warcelinta Wasiir Fiqi

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka warceliyay dhammaan waydiimaha Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xilli uu Golaha Shacabka hor geeyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka.

 

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Waliid oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Wasiir Fiqi Waydiiyay “ mudane Wasiir soo kama habboona In sharcigaan laga hormariyo sharciga muwaadinka Soomaaliyeed, tusaale ahaan muwaadinka Soomaaliyeed markuu Xawaalad lacag kasoo qadanaayo waxaa la waydinayaa Aqoonsi ama damiin xildhibaan?”

 

Warcelinta Wasiir Fiqi ” Xildhibaan Waliid waxaan leeyahay xuquuqda muwaadinka Dastuurka dalka ayay ku qorantahay, isma laha muwaadin iyo qof qaxooti ah, qof qaxooti ah waa qof dibadda kaaga yimid oo kusoo maciin biday, lkn qofka muwaadinka xuquuqdiisa kulli dstuurka ayay ku qorantahay “

 

Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Wasiir Fiqi Waydiiyay “Mudane Wasiir Golaha Shacabka Hay’adaha uu meel mariyo Budgetka aan ansixinno waa kala laba, ee Hay’addaan la dhisaayo xaggee Budget-keedu saaranyahay?”

 

Warcelinta Wasiir Fiqi “  Arrinta Budget-ka, dadka saacidi lahaa qaxootiga waa diyaar waxaa hortaagan kaliya sharcigaan in dhaqaale ku bixiyaan, marka sharcigaan Budgetna waa loo helayaa haddii ilaahey yiraahdo, Hay’addii Maarayn lahaydna way dhisantahay oo hadda qarash cusub kaagama baahna”

 

Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Wasiir Fiqi Waydiiyay “ Qodobka 6-aad ee Xeerka wuxuu xusayaa wadan kale in aan ka caroon haddii Dowladda Soomaaliya ay magangalyo qof siiso, qodobkaas wuxuu ka baxsanyahay Xayndaabka Soomaaliya (Territory)  sidee isku waafaqaysaa arrintaas? Waxaan oran lahaa Dib u eegis ha lagu sameeyo”

 

Warcelinta Wasiir Fiqi” Arrinta Xayndaabka scope-ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waaye, wixii ka baxsan xildhibaan waad kaa saaraysaa “

 

Xildhibaan Maxamed Barre Fiyoore oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Wasiir Fiqi Waydiiyay “ Qodobka 3-aad ee eray bixinta waxaa lala leeyahay Commissionka waxaa loo la jeedaa Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo lagu dhisay sharciga number 02 ee soo baxay 2016, ma mooddaa in ay is dhaxgalayaan shaqada Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka? Sidoo kale Mudane Wasiira Hirshabelle waxaa ka dhacay fatahaad mar kalaa fatahaad ayaa laga cabsanayaa, Dowladda Dhexe calaamad suaal ayaa saran arrintaas, waxaan codsanayaa in xukuumadda ay arrintaan diiradda saarto.”

 

Warcelinta Wasiir Fiqi “ Hay’adda SODMA iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka wax shaqo ah iskuma laha, sharcigaan wuxuu khuseeyaa Hay’adda Qaxootiga, SODM-naa Waa Maareynta Musiibooyinka oo arrimaha deg deg ah ayay ka jawaabtaa, isma dhex galayaan Marka. Arrinta Baladwayne waa laga howlgalay, inkastoo suaashaas aysan sharcigaan la xiriirin lkn xildhibaan hadduu mar sheegay waxaan leenahay Beladwayne Gurmad Xoog leh Ayaan u dirnay 80 gaari oo raashiin ah gaarsiinay, walina way socotaa shaqadaas, Xogta aan hadda hayno Beladwayne biyihii dib ayay ugu noqdeen dadka in badan oo ka mid ah guryahooda ayay ku noqdeen oo noloshooda si caadi ah ayay u wataan“

 

Xildhibaan Maxamuud Maxamed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Wasiir Fiqi Waydiiyay  “Sharcigaan wasiirka wuxuu noo sheegay in Baarlamaankii 10-aad la horkeenay laba akhris uu maray, ka dibna dib looga celiyay Wasaaradda. Sababta dib loogu celiyay ma in uu hortabin lahayn (priority) baa? Mise cillada kale ayaa jiro oo ay soo saxeen faahfaahintaas waan u baahanahay. Suaashayda 2-aad Wasiirka wuxuu sheegay in dad magangalyo doon ah ay jiraan oo 40,000 kun ah, meesha ay dadkaas ku suganyihiin iyo cidda ay yihiin in uu faahfaahin naga siiyo?”

 

Warcelinta Wasiir Fiqi “Baarlamaanka 10-aad waqtigiisa ayaa dhamaaday, waqtigiisa markuu dhamaaday ayuu marayay labada akhris, akhriska 3-aad iyadoon la akhrin ayaa Baarlamaan cusub yimid, wuxuu ka mid noqday shuruucda dib loo celiyay. Dadka 40,000 ah waxay u badanyihiim Yamen, Syria, Ethiopia iyo Zanzibar dad ka yimaada way jiraan, waxayna ku kala suganyihiin Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan, Bosaaso qaar baa jooga, qaar baa Hargaysa jooga, in badan oo ka mid ahna Xamar ayay joogaan, waa shaqaystaan qaarkood farsamooyin ayay kusoo kordhiyeen dalka lkn sharciga in uu ogolaado shaqada ayay ahayd lkn hadda si caadi ah ayay iskaga shaqaystaan, wax u diidaya ma jiro in ay shaqaystaan wax u fasaxayana ma jiro in ay shaqaystaan, jiritaanka sharcigaan waa muhiim, dad askar ayaa imaanaya. Ayaan dhaw nin askar ah ayaa la qabtay oo qaxooti iska dhigay oo Itoobiya dagaalki ka socday kasoo qaxay, dabcan CID ayaa lagu xiray meesha uu ku dambeyay ma garanaayo aniga, lkn markii hore qaxootinimo ayay ku yimid, aad baa loo waydinayay in ninkaas dib loo soo celiyo marka haddii uu jira lahaa sharcigaan wuxuu lahaan lahaa qofkaas xuquuq ilaalisa, sharciga Barakacayaasha waa soo socdaa Xukuumadduu ag yaalla, mardhawna golaha ayuu imaana”.

 

W/Q: Mohamud Adan Mumin