Wasiir Fiqi Oo Golaha Shacabka Horgeeyay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga & Magangalyadoonka

 

 

Muqdisho; Juun 07, 2023, Wasiirka  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta horgeeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku noolyihiin 40,000 oo Qaxooti ah.

 

Wasiir Fiqi ayaa mid mid u dul istaagay Qodobada Cutub 7-aad iyo 38-da Qodob ee uu ka koobanyahay Hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka, gaar ahaan wuxuu tusaale usoo qaatay cutubka 2-aad oo la xiriira xuquuqaha iyo waajibaadka arrimaha Qaxootiga iyo Magangalyo doonka. Sida: awoodda bixinta magangelyada ama qaxootinimada, waajibka Hay’adda Ka saaran in ay iskaashi la sameyso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga.

 

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in Cutubka 3-aad uu qeexaayo habraaca soo-codsashada, go’aaminta iyo u aqoonsashada qaxootinimada; sida: qaabka iyo shuruudaha codsiga, Siismada iyo u diididda Qaxootinimada, dejinta qaxootiga & magangalyo doonka Iwm. Halka cutubka 4-aad uu ka hadlayo Xuquuqaha iyo Waajibaadyada Magangelyo-doonka iyo Qaxootiga la aqoonsaday sida: Xuquuqda gaarka ay helayaan Qaxootiga iyo Magangalyo doonka, Ilaalinta Gaarka ah ee ay Helayaan Kooxaha nugul, dib u celin khiyaar ah, dib u celin khasab ah, jinsiyad siin iwm.

 

Sidoo kale, Wasiirka wuxuu Golaha ka sheegay in Cutubka 5-aad uu qeexaayo Guddiga Go’aaminta Qaxotinimada; sida dhisida Guddiga, howlaha iyo awoodaha guddiga, dhisidda guddi hoosaadyo iwm. Halka cutubka 6a-ad uu ku sheegay in uu ka hadlaayo Guddiga Rafcaanka Qaxootiga waayay Aqoonsiga; sida: dhisidda Gudiga Racfaanka, howlaha iyo awoodaha gudiga, dib u eegis garsoor. Halka Wasiirku uu ku sheegay in cutubka 7-aad uu ku saabsan yahay qodobbo qubane ah; sida:Shuruucda, ammarada an loo Adeegsan Karin Qaxootiga, soo saaris Xeer-nidaamiye Maamul, dhaqan galka sharciga iwm.

 

 

Soo jeedinta Wasiir ka dib, Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waydiyay Wasiirka waydiimo la xiriiray Ujeedooyinka iyo Mabaadi’da Guud ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka. Wasiir Fiqi ayaa mid mid ugu warciyay waydiimaha Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka in ay Waajibkooda ka gutaan Hindise Sharciyeedkaan si ay u ansixiyaan, isagoo sheegay Wasiirka in Soomaaliya abaal lagu leeyahay isla markaana abaalkaas ay u guddo dunida inteeda kale, maadama Qaxooti Soomaaliyeed ay dunidoo dhan joogaan.