Doodda Dadwayne ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadwayne.

 

Muqdisho, Juun 03, 2023: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS ayaa Magaalada Muqdisho ee xarunta Caasimadda Soomaaliya ku qabatay Dood Dadwayne oo ku saabsan Dimuqraadiyadaynta Dalka iyo Hirgelinta Doorashooyinka Dadwayne.

 

Ugu Horrayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Mollim Fiqi ayaa furay munaasabadda Doodda, wuxuu kusoo dhaweeyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Martida Doodda.

 

Kulanka waxaa marti ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Dr. Mohamed Ahmed Sheikh Ali, Mudane Doodisho wuxuu haystaa khibrad in ka badan muddo 20 sano  ah oo la xiriirta Arrimaha siyaasadda, nabadaynta, Dowlad Dhiska, Arrimaha Federaalismka iyo Amniga.

 

Cismaan Macallim Shaatax oo ah Guddoomiayaha Ururrada Bulshada Rayidka, Mudane shaatax wuxuu muddo badan kasoo shaqeeyay Arrimaha Bulshada, Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta.

 

Garyqaan Carrafaat Cali, Waa sharciyaqaan xubin ka ah Ururka Qareennada Soomaaliyeed, Wuxuu soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BFS, wuxuu ahaa la-taliye kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshsiinta XFS.

 

Prof Mohamed Haji Mukhataar waa aqoonyahan Haysta Darajada PhD, wuxuu haystaa khibrad la xiriirta arrimaha Taariikhda, wuxuu hadda ka tirsanyahay Jaamacadda Savana State University.

 

Doodda waxaa kasoo qaybgalay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida dhalinyarada, haweenka, odoyaasha dhaqanka, culimada, bahda waxbarashada iyo axzaaabta siyaasadda dalka, sidoo kale Doodda waxaa kasoo qaybgalay Daneeyayaasha u ololeeya in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Aminga Gudaha XFS Dr. Mohamed Ahmed Sheikh Ali, ayaa ka qaybgalayaasha u sharraxay dulucda heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen, Wasiir Doodisho waxuu tibaaxay in go’aanka ay gaareen Golaha laga keeni karo dood balse aysan ahayn wax laga dido, wuxuu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran lala leeyahay go’aannada dalka oo ay jiraan Golayaasha Sharci dajinta.

 

Garyqaan Carrafaat Cali ayaa sidoo kale ka qaybgalayaasha kulanka u sharraxay doodaha dhanka sharciga ee la xiriira Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, Mr. Carrafaat wuxuu tibaaxay in wax ka badal lagu samayn karo Dastuurka dalka marka ay ka heshiiyaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

 

Prof Mohamed Haji Mukhataar ayaa isaguna u sharraxay ka qaybgalayaasha kulanka Sooyaalka Soomaaliya ee Geeddi Socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Soomaaliya ka dhacay ka hor Dowladdii kacaanka iyo ka hor xorriyadda Dalka.

 

Ka Qaybgalayaasha Doodda ayaa waydiimo la xiriira arrimaha taagan waydiiyay Martida ku casuunnayd Doodda, dhinacyada ay Diiradda saarayaan waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira qaabka Doorashada, Caqabadaha Dhanka Amniga ee ku gadaaman doorashooyinka iyo in faham laga siiyo arrimaha sharciga ee ku qotama Mowduuca. Sidoo kale ka qaybgalayaasha kulanka ayaa codsaday in Doodaha nuucaan ah la badiyo, isla markaana la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada dalka.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moalllim Fiqi ayaa soo xiray munaasabbada, Wasiir Fiqi wxuu ballanqaaday in Dooddaan la gayn Doono Gobollada Dalka oo dhan, wasiirka wuxuu mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Martida Doodda.

 

Sawiro Dheeraad ah 👇🏾