Wasiir Fiqi Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha.

 

Muqdisho, May 31, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Shi Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Wasaaradda oo bil kasta la qabto, si ay waaxyaha ugu kala xogtaan, isla markaana Madaxda loogu gudbiyo waxyaabaha qabsoomay, caqabadaha jira iyo waxyaabaha qorshaysan in la qabto bisha xigta.

 

 

Kulanka oo ay soo xaadireen Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Dhammaan la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa lagu soo bandhigay habka shaqo ee Wasaaradda iyo nidaam casri ah oo ay Wasaaraddu dhawaan dhaqangalisay kaas oo lagu kaydiyo dhaqdhaqaaqyada shaqo ee howleadeennada Wasaaradda.

 

 

Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay qorshaha shaqo ee guud ahaan waaxyaha Wasaaradda kuwaas oo leh halbeegyo lagu cabbiro, si loo hubiyo Hiigsiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee ku aaddan fulinta arrimaha dastuuriga ah oo ay Wasaaraddu u idmantahay.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo mid mid u dhagaystay Dhammaan Agaasimayaasha Waaxyahaa iyo La-taliyaasha Wasaaradda ayaa ugu mahadceliyay waajibka qaran oo ay guteen, sidoo kale Wasiirka ayaa faray Dhammaan Madaxda iyo Howlwadeennada Wasaaradda in la joogteeyo derdergalinta shaqada Wasaaradda si loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed, si gaar ah ku shaqaynta Nidaamka Electrooniga ah oo ay dhawaan Wasaaradda Dhaqangalisay si loo ilaaliyo xusuusta Wasaaradda isla markaana ay Dhaxal reeb u noqoto, taas oo xoojinaysa Hufnaanta Shaqo iyo isla xisaabtanka.

Hoos ka eeg sawirada shirka 👇🏾