Wasiir Fiqi Oo Ka Qaybgalay Shirka Federaalaynta Garsoork iyo Asluubta.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Shirka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamka ee Dhanka Federaalaynta Garsoorka iyo Asluubta.

 

Shirka oo ay martigalisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS

Ayaa waxaa daahfuray Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Hamza Abdi Barre.

 

Ka Qaybgalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ahmiyad gaar ah siinaysay kulanka, Maadamada Wasiir Fiqi Wasaaradda uu masuulka ka yahay ay u xilsaarantahay Arrimaha Federaalaynta Dalka iyo Tayaynta Unugyada iyo Hay’adaha la Federaaleeyay.

 

 

Sidoo kale, Garsoorka ayaa qayb muhiim ka ah Geeddiga Daadajinta Maamulka Dowladnimo ee dalka, gaar ahaan marka ay noqoto dhanka adeeg bixinta(Services Delivery) oo ka  mid ah Mashruuca Dowladaha Hoose oo ay waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kaas lagu dhiso Dowladaha hoose ee dalka, isla markaana lagu tayeeyo Golayaasha Deegaannada ay Wasaaraddu horay u dhistay.

Hoos ka eeg sawirada shirka 👇🏾