Doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinkii 2021/2022 waxaa deegaannada qaar ay dadku qaateen hubka, si aan loogu qasbin mudanayaasha iyo marwooyinka ku matalayaa Golayaasha Sharci Dajinta ee Dowladda, waxaa la xasuusta qayb ka mid magaalada Gaalakacyo oo ay dadka deegaanka qaateen Hubka si loogu madaxbannaaneeyo cidda ay dooranayaan, sidoo kale waxaa la xasuustaa doorashadii Beladwayne oo ay Beelaha qayb ka mid ah soo qaateen Hubka.
Haddaba, sida aan ka wada warqabno Hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya wuxuu isku raacay nuuca doorasho ee dalka laga hirgelinaayo 2027, daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya waxay isku waafaqeen in ay tahay tallaabo wanaagsan in xilli hore laga heshiiyo nidaamka doorashada dalka badalkii lagu dhibtoon lahaa marka uu muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Dhamaado, si ugu yaraan dalka looga ilaaliyo firqaaq dastuuri ah. Akhristoow innagoo u soo noqon doonna qoramadeenna bal marka hore aan isla aragno Sooyaalka Doorashooyinka dalkeenna iyo Geeddi socodla Dowladnimadeenna.
Sooyaalka Doorashooyinka Soomaaliya (1960-2023).
1961
6 Juulaay1961 Ayaa la qabtay Doorashadii ugu horraysay ee dhacda Soomaaaliya oo xor ah, waxaana ku tartamay Murashaxiin Madaxwayne oo kala ahaa AUN Md. Aadan Cabdulle Cismaan iyo AUN Md. Shiekh Cali Jimcaale Baraale. Labada murrashaxba waxay kasoo wada jeedeeen SYL Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Demada Beladwayne, 3 wareeg oo ay doorashadu gaartay ka dib waxayna Guusha raacday AUN Aadan Cabdulle Cismaan.
1964
Doorashadii ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya( Koonfur iyo Waqooyi) oo qof iyo cod ah ee Gobonnimada ka dib waxaa la qabtay 30 Maarso 1964. Waxaana lagu qabtay degmooyinkii 8 Gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxay guushu raacday Xisbigii SYL oo helay 69 kursi oo ka mid ah 123 Xildhibaan oo ay Jamhuuriyaddu lahayd. Doorashadni waxay mudada usii dheeeraysay AUN Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan(1960-1967).
1967
10 Juun 1967 Waxaa doorasho ka dhacday Soomaaliya ku guulaystay Allaha Unaxariisto Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka guulaystay Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan. Doorashadaan waxay Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika u ahayd taariikh, waayo AUN Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu noqday Madaxwaynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo Xukunka si nabad ah ku wareejiyo. Tani waa mid ka mid ah Sooyaalka Dimuqraadiyadeed oo ay Soomaali ku suntantahay.
Intaas ka dib, waxaa la dilay Madaxwaynihii Jamhuuriyadda AUN Cabdirashiid Cali Sharmaake, waxaana dalka guud ahaan afgambi Militari ku qabsaday AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya ka talinaayay muddo ku siman 21 sano(1969-1991).
Dhammaan Xogaha la xiriira Doorashooyinka 1969 ka hor waxaan kasoo xigtay Kaydka Xogta Doorashooyinka Afrika (Africa Election Date Base).
2002
26 Aug 2002, Waxaa Doorasho ka dhacday Magaadalada Carta ee Dalka Jabuuti loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/qaasim Salaat Xassan ka gadaal markii uu 145 cod kaga adkaaday Murrashaxa u dambeeyay oo ay isla soo gaareen wareegga 3-aad Mudane C/laahi Axmed Caddoow oo keensaday 92 cod.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday C/qaasim Salaat Xassan oo hoggaamiyay Dowladdii Ku Meelgaarka ahayd ee Soomaaliya(TNG), tani waa doorashadii ugu horreeysay oo dalka ka dhacda ka dib markii laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
2004
10 Oct 2004 Waxaa Doorasho ka dhacday Magaadalada Eldoret ee Dalka Kenya loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya AUN Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ka gadaal markii uu189 cod kaga adkaaday Murrashaxa u dambeeyay oo ay isla soo gaareen wareegga 3-aad Mudane C/laahi Axmed Caddoow oo keensaday 79 cod.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday AUN C/laahi Yuusuf Axmed oo hoggaamiyay Dowladdii Federaalka Ku Meelgaarka Soomaaliya(TFG), tani waa doorashadii 2-aad oo dalka ka dhacda ka dib markii xukunka laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
2009
30 Jan 2009, Waxaa Doorasho ka dhacday Dalk Jabuuti loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed ka gadaal markii uu 293 cod kaga adkaaday Murrashaxa u dambeeyay oo ay isla soo gaareen wareegga 2-aad Mudane Maslax Maxamed Siyaad oo keensaday 126 cod.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday Mudane Shariif Shiekh Axmed oo hoggaamiyay Dowladdii Federaalka Ku Meelgaarka Soomaaliya(TFG2), tani waa doorashadii 3-aad oo dalka ka dhacda ka dib markii xukunka laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
2012
10 Sept 2012, Waxaa Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud ka gadaal markii uu 19 cod kaga adkaaday Murrashaxa u dambeeyay oo ay isla soo gaareen wareegga 2-aad Mudane Madaxwayne Shariif Shiekh Axmed oo keensaday 79 cod.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday Dr. Xassan Sheikh Maxamuud oo hoggaamiyay Dowladdii Federaalka ee Soomaaliya(FGS), tani waa doorashadii 4-aad oo dalka ka dhacda ka dib markii xukunka laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
2017
08 Feb 2017, Waxaa Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ka gadaal markii uu 184 cod helay wareegga 2-aad ee doorashada, Murrashaxa ku xigay tiro wuxuu helay 97 cod wuxuuna Madaxwayne Xassan Shiekh Maxamuud, inta aan loo gudbin waxaa hoolka Doorashada ka hor istaagay Madaxwayne Xassan Shiekh Maxamuud oo Hambalyeeyay Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo hoggaamiyay Dowladdii Federaalka ee Soomaaliya(FGS2), tani waa doorashadii 5-aad oo dalka ka dhacda ka dib markii xukunka laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
2022
15 May 2022, Waxaa Doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud ka gadaal markii uu 214 cod kaga adkaaday Murrashaxa u dambeeyay oo ay isla soo gaareen wareegga 3-aad Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo 83 cod.
Sidaas waxaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku noqday Dr. Xassan Shiekh Maxamuud oo haatan hoggaaminaya Dowladdii Federaalka ee Soomaaliya(FGS3), tani waa doorashadii 6-aad oo dalka ka dhacda ka dib markii xukunka laga tuuray AUN Maxamed Siyaad Barre oo ay Xildhibaanno ka kala socda qabaailka Ummadda Soomaaliyeed ay doortaan Madaxwayne Soomaaliyeed.
La Soco Qaybta 2-aad.