Wasiir Fiqi Oo Faahfaahiyay Heshiiska Doorashooyinka Dalka.

 

Muqdisho; Maajo 29, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan gaar ah oo looga warbixinayay Arrimaha Doorashooyinka dalka iyo Geeddiga Cusub Soomaaliya la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La taliyaasha Wasaaradda. Wasiir Fiqi ayaa warbixin buuxda ka siiyay ka qaybgalayaasha kulanka War Murtiyeedka ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Arrimmaha sida gaarka ah u khuseeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

Wasiir Fiqi ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay qododobada kala duwan ee heshiiska iyo qaabka Doorashada, kaalinta mugga leh oo ay Wasaaraddu ku lahayd iyo hannaanka uu soo maray heshiiskan, Wasiirka wuxuu faray waxyaaha khuseyso arrimahaan in masuuliyad gaar iska saran fulinta waajibka kaga aaddan tallabadaan ay Madaxda Qaranka ugu hiilliyeen Shacabka Soomaaliyeed, Wasirka wuxuu si gaar ah hoosta uga xarriiqay in Ummadda Soomaaliyeed faham buuxda laga siiyo arrintaan iyadoo loo maraayo Wasaaradda iyo Guddiyada ay khusayso ee hoos yimaada Wasaaradda.

 

 

 

 

 

Nuuca Doorasho Ee Lagu heshiiyay

Si loo hubiyo xuquuqda Muwadiniinta Soomaaliyeed oo ah in ay wax doortaan ama in ayaga la doorto waxaa lagu heshiiyay hirgalinta doorasho dadwayne oo leh matalaad dadwayne oo qof iyo cod ah, dhexdhexaad ah, oo leh hab habraac iyo isla xisaabtan. Heshiiska waxaa ku jira deegaan doorasho xisbiyo badan, leh matalaad bulsho isla markaana horumarinaya Wadajirka Bulshada iyo ilaalinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in ay ka dhacdo Doorasho ay ku tartamayaan laba xisbi oo qaran, leh nidaam isku dheelli tiran ee liiska xiran, liiska kama badnaan karo labo laabka yirada kuraasta tartanka iyo kuraasta lagu tartamaayo ooh al deegaan doorasho ah.

 

Waxaa lagu heshiisyay in dalka ka dhacdo doorasho ay ku tartamayaa labo xisbi qaran, nidaamka matalaadd isudheelitiran ee liiska xiran, liiska kama badnaan karo labolaabka tirada kuraasta tartanka, kuraasta lagu tartamayo hal deegaan doorasho. Golaha Shacabku waa 275 Xildhibaan oo matalaysa Bulshada, hab qarsoodi oo madaxbannaan ay ku dooranayaan shacabka, tartankuna waa habka Xisbiyada Badan.  Halka Aqalka Sare Deegaanka Doorshooadiisu ay tahay Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir waxaa lagu qeexi doona Maqaamka Caasimadda.

 

Kuraasta Golayaasha Wakiillada ee Dowlad Goboleedyada dalka waxaa lagu Dooranayaa Deegaannada Dowlad Goboleedyada, Shacabka ayaa si toos ah u dooranaya, waxaana ku tartamaya Xisbiyada. Halka Dowladaha mar ay joogto ay Xubnaha Golayaasha Deegaannada ay dooranayaan Bulshada Deegaanka isla markaana ay ku tartamayaan ururrada siyaasadda.

 

Xisbiyada

Dalku wuxuu yeelan doona labo xisbi oo Qaran oo ku tartama Doorashooyinka dalka, waxay ka imaan doonaan labada Xisbi ee ugu codka badan marka codka loo qaado Xisbiayada, waxaana xisbiyada Qaranka noqon doono labada Xisbi ee ugu codka Badan.

 

Nidaamka Madaxda Qaranka

Sida aan ka warqabno, Dalka Soomaaliya muddo dheer wuxuu lahaa Madaxwayne iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumaada ama Raysal Wasaare, balse hadda taasi waxaa ku yimid isbadal, waxaana dalku uu qaatay nidaamka Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen, waxaa hal warqad ku dooranaya shacaka Soomaaliyeed iyadoo lagu salaynaayo Xisbiyo Bdan.

 

Waxaa la mideeyay waqtiga doorashada ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana mudada xil haynta labada heer laga dhigay Muddo 5 Sano ah, taas oo meesha ka saaraysa madmadow iyo shaqooyin cuslaa oo waqtiyo is dulsaaran la qabto inta badan.

 

Hoos ka eeg sawirada shirka 👇🏾