Sookoobidda Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Nidaamka Doorashada Qaran

Warmurtiyeed kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran oo qabsoomay 24-27 Maajo ayaa kasoo baxay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka dalka, amniga, dhameystirka deyn cafinta, fulinta heshiisyadii ay horay golaha u gaareen, fatahaadaha webiga iyo qodobbo kale.

 

Arrimaha Amniga, golaha waxaa uu bogaadiyay guulaha istiraatiijiyadda qaran, ladagaalanka argigixisada oo ay horseed ka yihiin ciidamada qalabka sida oo labada heer ee federaalka iyo kaashanaya shacabka kuwaas oo hoseeday xasilloonida dalka iyo habsami u socodka wejiga 2-aad ee ladagaalanka argigixisada.

 

Arrimaha Deyn cafinta waxaa uu golaha isla gartay marxaladda ugu dambeysa ee deyn, cafinta, lana xoojinayo wadashaqeynta iyo adkeynta hufnaantooda, waxaa uuna bogaadiyay dadaallada lagu sameynayo hiigsiga qarni jirsiga Soomaaliya 2060.

 

Arrimaha Midnimada oo muqadas ah, golaha waxaa uu ugu baaqay Somaliland iyo reer Sool xabadjoojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, isuguna yimaadaan wadahadallo nabadeed, iyo in hey’adaha dowliga iyo kuwa kalaba ay gargaaraan dadkaasi, waxaa kale oo hey’adaha caalamiga lagu booriyay gargaaridda dadka ku waxyeeloobay fatahaadda, waxaana sidoo kale la dhiirigeliyay doorashada golaha deegaanka ee ka dhacay Puntland.

 

Xukuumadda waa in dardargeliso hirgelinta heshiisyada halka guddiyada dastuurkana la faray in qodobbo dastuuriga heshiisyada golaha.

 

Heshiiska Hannaanka Doorashada: Si loo xaqiijiyo xaqa muwaadinka in la doorto ama uu wax doorto, waxaa la isku afgartay hirgelinta doorasho leh matalaad dadweyne, iyaga oo caddeeyay qabashada doorasho qof iyo cod ah, oo hufan, dhexdhexaad ah oo sugan, kuna saleysan habraac iyo isla xisaabtan leh.

 

Heshiis siyaasadeedka waxaa ku jira deegaan doorasho, xisbiyo badan, leh matalaad bulsho, hormarinaya wadajirka bulshada, iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya.

 

Waxaa lagu heshiisyay in dalka ka dhacdo doorasho ay ku tartamayaa labo xisbi qaran, nidaamka matalaadd isudheelitiran ee liiska xiran, liiska kama badnaan karo labolaabka tirada kuraasta tartanka, kuraasta lagu tartamayo hal deegaan doorasho.

 

Golaha shacabka waa 275, oo mataleysa bulshada, qarsoodi madabannaan ku dooranaya shacabka, tartanka waa habka xisbiyada badan.

Aqalka sare, deegaanka doorashada waa dowladaha xubnaha ka ah dowladda, matalaada aqalka sare gobolka Banaadir waxaa lagu qeexi doonaa maqaamka caasimadda.

 

Kuraasta goleyaasha wakiiladda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxaa lagu dooranayaa deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, shacabka ayaa si toos ah u dooranaya., waxaana ku tartamaya xisbiyada

Dowlaha hoose, xubnaha goleyaasha deegaanka waxaa dooranaya bulshada deegaanka, waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada,

 

Labada urur siyaasadeed ee ugu codadka badan ayaa noqonaya xisbiyo qaran

Waxaa uu dalku qaatay nidaamka madaxweyne iyo kuxigeen, waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka iyada oo lagu saleynayo xisbiyo badan,

Muddada doorashada ayaa la mideeyey, iyada oo laga dhigay 5 sano.