Shirka Wadatashiga Gobolka Banaadir ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo Muqdisho kusoo Gabagaboobay.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Muuse Abshir Abdi ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Gobolka Banaadir ee Dib u eegista Qorshaha iyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
Kulanka oo socday Muddo laba maailn ah ayaa waxaa kasoo kasoo qaybgalay Guddoomiye ku xigeennada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Guddoomiyayaasha ururrada haweenka iyo dhalinyarada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Nabadaynta Gobolka Banaadir.
 
Ugu Dambayn, mudane Muuse ayaa uga mahadceliyay Wakiillada ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo howlwadeennada Wasaaradda Waqtiga iyo dedaalka ay galiyeen shirka si loo gaaro Dib u heshiin guulaysata oo ka hana qaadda Soomaaliya.