Wasiir Fiqi Oo Furay, Shirka Looga Hadlayey Xalka Waara Ee Barakaca

 
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo maanta kaqeybgalay, khudbadna kajeediyey shirka Wasaaradda ee xalka Barakaca ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay xal u helidda dhibaatada Barakaca isaga oo yiri
 
“Maanta, waxaan aad ugu faraxsannahay in shirkan noo qabsoomay, waxaanna boogadinayaa kasoo qeybgalayaasha, xallinta Barakaca waxaa ay gacan ka geysaneysaa inay qeyb ka noqdaan dib u dhiska waddanka iyo amniga, Wasaaradda waxaa ay mas’uul ka tahay xal u helsita barakacyaasha”.
 
Mar uu mudane Fiqi ka hadlay qodobbo muhiim ah ka Wasaarad ahaan, waxaa uu yiri “ Wasaaraddu waxaa ay waddaa qodoabada (1). Xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta. (2). Dhismaha dowldaha hoose gaar ahaan deegaanka si ay u bixiyaan adeegyada asaasiga ah. (3). Diiwaangelinta madaniga, oo ah in ay dadka heli donaan ID taaso ka caawiso in la ogaado xogta qofka. (4). Dib u heshisiinta dalka mid nabadeed iy omid siyaasadeedba.
Waxaa uu sidoo kale, Wasiir Axmed Macallim Fiqi ka hadlay barakaca isaga oo yiri “Dadka ku barakacay dalka gudahiisa waa 3.5 milyan taasna waxa ay muujineysaa xaaladda ka jirta waddanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa ka go’an dib u dejinta barakacayaasha, idinkana, waxaan idinka codsaneynaa in aad ka qeybqaadataan sida uu adduunka u hormaray uu isku aqbalay in aan u aqbalnaa waa qasab”.
 
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa sheegay in ay mid tahay istaraatiijiyadda wax bixinta isaga oo yiri “Dowladda waxaa ay qaadatay in wixii la bixinaayo ay noqoto hal istaraatiiji wax la taaban karo noqdaan, waxaan rajeynaa in ay hergeli doonto, adinkana waxaan rajeynaa inaad qeyb ka noqotaan oo mashariic hormarineed idinka timaado aan ku darno si ay howshaas qeyb uga noqato”.
 
Mudane Muse Abshir Cabdi, kusimmaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa uga mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha shirka looga hadlayo sidii xal waara loogu heli lahaa barakaca, waxaa uuna si gaar ah u bogaadiyay hey’adaha gacan ka geystay sida IGAD.
 
Aadan Faarax Gaarane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka ee Jubbaland oo ka isna ka hadlay shirka Barakaca ayaa waxaa uu yiri, “ Waa siyaasad loo baahanyahay in la mideeyo siyaasadda barakacayaasha, barkacayaashu waa dad ka mid ah dadka deegaanka, waana iney helaan xaquuqda ay heleyaan dadka deegaanka, marka wa u muhiim in loo dajiyaa siyaasad mideyneyso dadka deegaanka iyo barakacyasha intaba”.
 
Diini Cabdnure Maxamed oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Koonfur Galbeed oo ka hadlay kulanka barakaca xaaladda Barakaca ee Koonfur Galbeed isaga oo yiri “Salaan kadib, aad ayaan ugu faraxsanahay martiqaadka ay noosoo dirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku saabsan siyaasadda barakacayaasha, Koonfur Galbeed waxaa ay ka mid tahay meelaha aad ugu badan, magaalada Baydhabo kaligeed waxa ku nool hal milyan oo barakacayaal ah, marka si qaas ah wa mid muhiin noogu ah innaga ka Koonfur Halbeed ahaan”.
 
Maxamuud Kaarshe, oo ka socda urur Goboleedka IGAD, oo isna ka hadlay shirka xal u heliida Barakaca ayaa ku dheeraaday dadaallada la xiriira xalka waara, is dhexgalka bulshada iyo arrimo kale.
Maxamuud Kaarshe, oo arrintaasi ka hadalaya waxaa uu yiri “ Ururka IGAD waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya uga mahadcelineysaa dadaalka badan ay ku bixisay in ay hirgeliso siyaasaddan, runtii ma ahayn wax fudud, mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasaaradda dadaalkeeda aad ayaan u mahad celinaya, waxaa rajeynayaa in si Barnaamijkan siyaasadda xalka waara u diyaarsan yahay ay noqoto mid ay ka tusaale qataan dowladaha kale”.
Maxamuud Kaarshe, waxaa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey, “Siyaasaddan waxaa ay dhiirigelineysaa sida barakacayaasha iyo martigaliyeyaadsha la isku dhexgalin lahaa, waxaa ka dhasho sidaan ognahay In dadkan la riixo, in gobol iyo qeybo kale la isku kala saarsaaro, siyaasaddan waxaa ay dhiirigelineysaa in ay lahaanshiyo ay dareemaan barakacayaasha iyo in ay isku mid yihiin, meeshii nalaga filaayey iyo meel ka fiican ayaa kaso baxdeen wasaarada waan ugu madah celinayaa”.
 
Xaaji Cali oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Jubaland, oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in si sax ah loo isticmaalo lacagta deeqbixiyeyaasha isaga oo yiri,
“ Ugu horreyn, waxaa sharaf ii ah in aan idinkala soo qyeb galno shirka Wasaaraddu qabanqaabisay kaas oo annaga si gaar ah noo taabanayo, haddii dib lo laabto 30-kii sano ee u dambeeyey waxaan aheyn gacantii hooseesay, lacagaha deeq bixiyayaasha sheegayaan haddii aan si sax ah u isticmaali lahen guri walba waaxa gali lahaa tuba caano ah iyo tubo biyo ah” isaga oo sii hadalaya ” Waxaan uga gudbi karnaa siyaasad la dajiyo, Shirkan yaanu noqon midkii ugu dambeeyey, mudane wasiir adiga ayaan ka rabnaa ina dhahdid no more emergency, taasna waxaa ay ku suurta geli kartaa xal waaara in la helo oo waxa yar aan helno 10 cidba ha noqatee lagu dejiyo”.