Mudane Fiqi oo Daahfuray Wadatashiga Banaadir ee Dib U Eegista Hannaanka Dib U Heshiisiinta Qaran

 
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta ka daahfuray shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda oo ay Goobjoog ka yihiin gobolka Banaadir, haweenka iyo bulshada rayidka oo ku saabsan wadatashiga dib u eegista hannaanka dib u heshiisiinta qaran.
Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo khudbad gaaban goobta kajeediyay ayaa ka hadlay dhaqanka wadahadalka, dib u heshiisiinta iyo xallinta khilaafaadka.
 
Mudane Fiqi oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri, “maanta waxaan u jognaa howl muhiim u ah umaddeena iyo dhaqankeenna wanaagsan ee wadahadalka, heshiisiinta iyo wada dhaqanka, hadabba Wasaaradda iyada oo ka duuleysa In la hormariyo dib u heshiisnta, waxaa ay waddatashi la sameneysaa saamileyda gobolka Banaadir iyo gobolada kale, waana in hormaar iyo dib uso kabasho dalku gaaro sido kale waxa rabnaa inuu noqdo hannaanka;
 
(1) Mid wax ka qabanayo khilaafaadka isbedelka cimmilada
(2) Xoojinta doorka haweenka iyo dhallinta Soomaaliyeed
(3) In lagu so daro hannaanka meelaha dhowaan khwaarijta laga xureeyay
(4) Nidaamka heshiis dhowrka “in heshiis kasto la gaaro noqdo mid diwaan gesha.
 
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu madasha ka sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii nabadda, isaga oo yiri,
“Soomaliya waxaa ay cagta saartay waddadii nabadda, Madaxweynaha hadda joogo waa nabaddoon, ka tanaasulaya xuquuqaha gaarka ah hal ku dhegiisuna uu ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” mar welbana Dib u heshiisiintu waa mabda’ asaasi ah oo diinteena ka mid ah”.
 
Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye oo ka hadlay shirka wadatashiga dib u eegista hannaanka dib u heshiisiinta qaran ayaa ka hadlay muhiimadda dib u heshiisiinta gaar ahaan gobolka Banaadir.
Mudane Diiriye oo arrintaas ka hadalaya waxaa uu yiri, “ Shirka dib u heshiisiinta iyo is dhaxgalka bulshada loogu talagay ee wasaaradda kaso shaqeneysay ayaa saaka halkan ka furmay wana ku faraxsanahy, Dib u heshisin kaliya ma aha in la heshiisiiyo laba qolo isku dhacaan, Xamar maanta waa nabad, laba qolo isku duulaayo ma jiraan, sidee ayey noqonee dib u heshisiinta banaadir laga qabanaa?
Guddoomiye ku xigeenka Banaadir oo sii hadlaya waxaa uu intaa ku daray, “Gobolka Banaadir waxa uu ka kooban yahay 20 degmo dad badan ayaa deggan oo Soomaaliyeed oo kayimid gobolada Soomaaliya, dadkaas waxay u baahan yiihiin in la ogyahay waxa ay yihiin, sida ay u kala deggan yihiin iyo in ay kawada shaqeeyaan horumarka guud in ay ka wada shaqeeyan amniga, haddii aan arrinkaas heshiis lagu aheyn midna uu rabo in uu wax qariyo, midna uu rabo inu sheego taas heshiis ma aha, Laakin hadi laga wada shaqeeyo waa qurux badnaanee.
 
Mudane Muuse Abshir Cabdi, oo ah kusimaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo ka hadlay shirka wadatashiga dib u eegista ee hannaanka Dib u heshiisiinta qaran ayaa u mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha isaga oo ka hadlay ahmiyadda shirka.