Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo soo xiray madasha Maayarada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo soo xiray madasha Maayarada Soomaaliya kaas oo Wasaaradda ay Muqdisho ugu qabatay Maayarada Soomaaliya ayaa ku dheeraaday madasha iyo arrimo badan oo dalka ka socda.

Ugu horreyn, Mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in wixii kasoo baxay madasha Maayarada Soomaaliyeed la iskula xisaabtami doonno isaga oo yiri “Shaqooyinka dhaqangelintooda hey’ad walba shaqo ayaa kusoo aadday, degmooyinka, dowlad goboleedyada. Dowladda federaalka ah iyo hey’adaha caawiya, qolo walba waxaa la hubin doonnaa qeybta ay qaadatay, qorshaeaasha”.

Mudane Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo howlaha madasha wadatashiga qaran ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Si aad la socotaan madasha qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaa ka go’an awoodsiinta iyo dhismaha dowlaha hoose, waxaa la bixiyay daadaal kasta oo dowlahada hoose taabogal ku noqdaan, ku bixin karaan adeegyo, muhiim u yihiin xoreynta iyo adkeynta nababadda iyo kasbashada kasoonida umadda”.

Mudane Fiqi oo sii hadlaya ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay qeyb libaax leh ka cayaartay in madasha wadatashiga qaran la ogeysiiyo ahmiyadda lakabka dowladaha hoose isaga oo intaa raaciyay “In kalabkaas ahmiyad la siiyo, oo uu muuqda, shaqo caadi ah kuma iman, shaqooyionka inta badan waxaa lagu qoray dowladaha hoose, oo awoodda loo daadejiyo si dadka ugu shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu sheegay in magaalada Baladweyn ay ka jirto xaalad adag, oo daadad noocani ah ay ugu dambeysay 1981-dii, iyada oo hadda ay biyaha barakiyeen 90% dadkii magaalada, waxaa uu soo qaatay in wasaaradda iyo hey’adeeda Maareynta musiibooyinka ay bixiyeen gargaar degdeg ah, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo hey’adaha kala duwan ugu baaqay in gacan loo fidiyo reer Baladweyne.

Ugu dambryntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu degmooyinka dalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan ololaha xoreynta dalka iyo degmooyinka ay inta badan ukumo dhigteen Khawaarijta, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dhowaan la bilaabayo howlgalka Libaaxa Madow ee careysan, oo cuni doona Khawaarijta

Cabdiraxmaan Aadan oo ka tirsan saraakiisha UN Habitat iyo JPLG oo ka hadlay gebogabada madasha Maayarada Soomaaliya kaasi oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah ayaa sheegay in shirkan laga gaaray guulo badan iyo ujeedkii laga lahaa isaga oo intaa raaciyay “ Sidii aan filaneynayba waxaa soo baxday in madasha baahi loo qabo, marka laga soo tago howlaha caadiga ah ee dowladaha hoose, waxaa kale oo soo baxday baahida loo qabay wada shaqeynta dhanka amniga ee degoomiyinka, waxaanna ka maqsuudnay doodihii socday, iyada oo la kala faa’ideystay khibrad iyo aqoon, waxaan sii wadi doonnaa taageerada aan siinno kulamadan oo kale, waxaanna u mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah”.

Nadar Taabax Maalin Duqa magaalada Baladweyn oo madasha Maayarada Soomaaliyeed ka hadashay ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta qabanqaabada shirka iyada oo sidoo kale ku dheeraatay xaaladadda fatahaadda Baladweyn “Magaalada Baladweyne, ma jirto meel aysan biyo gelin, saameynta waa mid adag, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamullada deegaannada waxaan ka codsanaeynaa in aad noo soo gurmataan, lagana shaqeeysaan xalwaara, waxaan kale oo aan u baahannahay khubaro iyo dad aqoon leh oo arrintaas gacan inanga siiya”.

Mar ay ka hadashay Madasha “Madasha inta ay socotay waxaan ka dhaxalnay in aan isbaranno, oo aqoon iyo waayo aragnimo badan kala kororsanno”.

Maxaad Maxamed Ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed oo ka hadlay gebagabada madasha Maayarada Soomaaliyeed ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah uga mahadceliyay qabanqaabada kulan isaga oo intaa raaciyay “Waxaan ku faraxsanahay madal noocan in aan kasoo qeybgalno, Ka wasaaradda arrimo gudo ee Koonfur galbeed ahaan, waxaa soo bandhignay wixii noo qabsoommay iyo wixii noo qabsoomi waayey,  wixii inta kasoo baxay waxaan u tagaannahay, in aan gaarsiinno degmooyinka, waxaan u mahadecluanaa wasaaradda gudaha ee federaalka ah iyo wasiir Axmed Fiqi qabanqaabada shirkan, waxaanna codsaneynaa in madasha tan xigta aad idiinku casuunno Koonfur Galbeed”.

Cali Careys oo ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo isna ka hadlay gebogabada madasha maayarada Soomalaiyeed ayaa sheegay in sanadka dambe ay filayaan in ay kasoo qeybgalaan shirka iyada oo degmooyinka Jubbaland ay matalayaan maayarro lasoo doortay, waxaa uunta arrinkaasi ka yiri:

“Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka iyo Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo intii ay dowladdani dhisneyd shaqo fiican ka qabtay isku xirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah iyo Wasaaradaha arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada” Waxaa sii raaciyey “ Madashan 19 Maayar ayaa joogta, Jubbalad 3 ayey ku leedahay, oo mid lasoo doortay, madasha xigtana waxaa rajeynayaa in ugu yaraan aan uga soo qeybgalno 10 Maayar oo doorasho ku timid, waxaa kale oo aan diyaar u nahay ka Jubbaland ahaan wejiga 2-aad ee xoreynta dalka”

Cumar Cabdi Guureeye oo ah Wasiir dowlaha Arrimaha gudaha ee Galmudug oo khudbad kajeediyay gebogabada madasha Maayarada Soomaaliyeed ayaa isna hadlay waxyaabaha laga faa’iday shirka isaga u mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah.

Mudane Guureeye waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Waxaan  bogaadinayaa Wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi  oo ku hoggaamiyey Wasaaradaha iyo degmooyinka kulammada noocaan ah oo xog la isku weydaarsanayo, saddex cisho waxaa lagu kala faa’idey wax badan, madasha waa horumar Soomaaliya oo la  jiheynayo, waxaa uu ka qeyb qaadanayaa iskaashi amni”.

Ma uu ka hadlay Galmudug, Wasiir Guureeye waxaa uu yiri: Ka Galmudug ahaan, afar mayor oo lasoo doortay ayaa shirka nooga soo qeybgashay, waxaan rajeynayaa in sanadkan in dhammaan Galmudug ay ka wada hirgalaan Mayrada oo lasoo doortay, inta xorta waxyar ayaan naga dhiman, oo  aan rajeynayo in lagu guuleysan doono.”.

Cabdiraxmaan Daahir Guure oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee  Hirshablle oo ka hadlay gebogabada madasha Maayarada Soomaaliya ayaa sheegay in Hirshabelle ay qaban doono doorashooyinka degmooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan isaga oo yiri “Waxaan ka mahadcelineyaa kulankan , wixii wanaag ah, waxaa qirayaa in wax fiican la qabtay, wasiirka Fiqi wax fiican ayuu qabtay, hoggaamintaada waan hambalyeynayaa, waxaan rajeynaa in maamullada magacaaban aan badalno, xoreynta kadib ayaa bilaabi doonnaa dhismaha dowladaha hoose, 5 degmo ayaa socdo doorashadooda, kulanka midkan xiga ilaa lix oo lasoo doortay ayaan keeni doonaa”.

Maxamed Axmed Diiriye, Guddoomiye kuxigeenka amniga ee gobolka Banaadir oo isna ka hadlay gebogabada shirka Maayarada Soomaaliyee ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah ayaa sheegay in gobolka Banaadir la dooran doono madaxdiisa iyo maamulka degmooyinkaba isaga oo yiri “Waxaan u faraxsanahay in aan goobjoog ka ahaado kulanka, waa shir aad iyo aad u qiimo badan, oo loo baahnaa, oo la isku dhaafsaday afkaar iyo khibrado ka tarjumeysa shaqada dowladaha hoose, bixinta adeegga, maamulkooda, dowlada nimada loo gaarsiinl ahaa, federaalka iyo dowladahaasi la isku xiri lahaa.

Mar uu soo qaaday arrimta gobolka Banaadir, guddoomiye Yabooh waxaa uu ka yiri “Ka gobol Banaadir ahaan, waxaan rajeynayaa in sanadkan gudahiisa aan ku tilaabsan doonno isabadal doorasho oo ah guddoomiyeyaasha degoomoyinka iyo maamulka sare”.  Isaga oo intaa raaciyay  “Gobolka Banaadir iyo caasimaddii ayaad joogtaan, isbadal ayaa ku dhacay, sidii hore waa ay ka qurux iyo amni badanahay, waxaan rajeynayaa in ay kasii fiicnaato, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh waxaan uga mahadcelinayaa juhdiga u uku bixiyay maamulka iyo xagga madaxda ciidanka”.