Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay shirweynaha 9-aad ee qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo uu daahfuray ra’isul wasaararaha Xukuumdda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.
Madashan oo sidoo kale ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin leh heerarka kala duwan ee dowladnnimada, socon doontana ilaa saddex cisho ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Fiqi waxaa uu si gaar gaar ah ula kulmay qaar ka tirsan dhalinyarada Soomaaliyeed isaga oo ka dhageystay xaaladdooda, waxa kadhex guuxaya, dareenkooda dowlad dhiska, nolosha iyo himilooyinka.
Dhanka kale, waxaa uu Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiintu ku adkeeyey dhalinyaradii uu la fariistay ahmiyadda amniga, nabadda iyo dowlad dhiska, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan wadajirkooda iyo garab istaagga danaha dalka, dadka iyo diinta.