Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa maanta furay Kulanka wadatashiga hindise sharciyeedka jinsiyadda jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Mudane Caydaruus Macallim Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxaa uu u mahadceliyay khubarada ka tirsan hey’adaha kala duwan ee kasoo shaqeyey hindise sharciyeedka isaga oo intaa raaciyay sida ay tahay in aqoontooda looga faa’ideysto horumarinta qaranka.