Mudane Fiqi oo Kaqeybgalay Daahfurka Madasha Iskuduwidda Mashaariicda Horumarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta ku wehliyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka XFS mudane Saalax Jaamac iyo Wasiirka qorsheynta mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene Daahfurka Madasha Iskuduwidda Mashaariicda Horumarka.
 
Madashan oo qabanqaabadeedu laheyd Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgeshiga ee XFS ayaa xoogga lagu saaray isku duwidda heykalka xiriirka deeqaha ka yimaada saxiibada Soomaaliya.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad kooban kajeediyay kulan ayaa ka hadlay ahmiyadda madasha isaga oo yiri “Waqti ay kaga wanaagsan tahay ma jiro in aan maanta dhaqaajino hawshan iyadoo ay kusoo beegmeyso xilli ay Soomaaliya ugu baahi badan tahay in si habsami ah leyskugu dubdarido dhaqaalaha uga imaanyo saaxibadeeda beesha caalamka, marka loo eego hawlaha ku aaddan gaar ahaan dhanka siyaasadda loo dhanyahay, horumarinta dhaqaalaha, aminga iyo xasillinta iyo arrimaha gargaarka bani-aadinnimo”.
 
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale u mahadceliyay saxiibada Soomaaliya “Waxaan sidoo kale halkan rabaa in munaasabddan uga faa’iideysto in si gaar ah ugu mahadceliyo saaxibadeen beesha caalamka oo marwalba nagu garab istaagtay kasoo kabashada xaaladahii adkaay ee dalka soo maray, waxaan rajeynayaa in barnaamijkaan inoogu suurto geliyo xoojinta xiriirka wanaagsan ee dowladda dhexdeeda iyo heerarkeeda kala duwan kaasoo sidoo kale aan rajeynayo inuu inoo horseedo nabad waarta, dhab-u-heshiin, xasillooni, horumar dhaqaale iyo “dad iyo dal oo isku dan ah”.
 
Dhanka kale, waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi xaaladda dalka iyo horumarrada socda ee siyaasadda iyo amniga, isaga oo sooqaatay wada xoojoodka laga galay Astaynta Awoodaha, Federaaleynta Maaliyadda, Garsoorka Dalka kuwaas oo udub dhexaad u ah federaaleynta dalka, waddadana u jeexaya dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kalena si joogta ah looga arrinsado aminga dalka.
 
Waxaa uuna mudne Axmex Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta hadalkiisa kusoo gabagabeeyey “Waxay Dowladdu guullo taarikhi ah kasoo hooysay la dagaalanka AS, aan ku guuleysanay in goobo badan laga xureeyo AS. Waxay taasi suurto gelisay oo ay fududeysay in goobahii la gaarsiiyo deeqaha bani’aadinnimo iyo adeegyada asaasiga ay bulshadaasi u baahan yihiin”.