Agaasimaha Guud oo Gudoomiyey shir looga hadlayey arrimaha dad dhigista dadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Cabdulle ayaa maanta shir guddoomiyey kulan dhex maray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee XFS kaas oo looga hadlay arrinta nidaamka dad dhigista dadka.

 

Kulankan oo sidoo kale lagu falanqeeyey adkeynta xoojinta xiriirka labada Wasaradood ayaa kasoo qeybgalayaashu waxaa ay xoogga ku sareen nidaamka dad dhigista, sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam dad dhigis oo casri ah iyo in laga shaqeeyo sharciyada siyaasadaha muhiim u ahaa nidaamka.