Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Finland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macallim Cabdulle ayaa maanta fadhi gaar ah la yeeshay wafdi ka socday safaaradda Finland ee Soomaaliya.

 

Wafdiga Finland oo uu horkacayey agaasimaha bariga iyo geeska Afrika Jukka Pajarinen ayaa iyaga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudahu waxaa ay ka wada hadleen qaran dhiska, dib u heshiisiinta, dhismaha iyo horumarinta dowladaha hoose iyo arrimo kale.